Xeerarka deynsashada (somaliska)

Bibliotekens låneregler på somaliska.

Dhammaan maktabadyada ku yaal gobalka Umeå, oo degmooyinka Bjurholms, Nordmalings, Robertsfors, Umeå, Vindelns iyo Vännäs waxaa ka deynsankarta adigoo wax lacag bixin.

Kaarka maktabada

Haddii aad dooneysid inaa maktabada wax ka deynsatid waxaad u baahantahay kaarka maktabada. Kaarkas waxaa lagu siin marka aad shaqalaha maktabada tusisid kaar aqoonsi ansaxsan. Waa suurtagal in lagu siiyo kaarka maktabada haddii xita aadan haysan kaar aqoonsi, tobanka lambar oo iswiidhishka, ama cinwaan aad ka diwangalisantahay. Kaarka maktabada lagu siin waxey ansaxsanaan saddex bilood.

Carruurta waxaa la siin kaarka maktabada sanadka ey buuxin lix sano. Carruurta ka yar 16 sano waa in waalidka ey ka helan oggolaansho.

Marka aad suubsatid kaarka maktabada waxaa adiga sidaa u ansaxin inaa oggoshahay iyo ku dhaqmeysid xeerarka deynsashada maktabada. Kaarkas waxaa isticmaalikarta marka aad joogtid maktabada ka mid ah gobalka Umeå.

Marka aad haysatid kaarka maktabada adiga waxaa xita deynsankarta kombiyuutar iyo qol, iyo isticmaalikarta kombiyuutarada warbixino lagu keydshay iyo deynsankarta buug ama filim elektroonig ahaan.

Mas’uul ka tahay deynta

Kaarka maktabada waa hanti adiga shaqsiyan mas’uul ka tahay. Taasna micnaheeda tahay in adiga mas’uul ka tahay waxkasto oo kaarkas maktabada oo lag deynsado. Adiga baa mas’uul ka ah in buugta iyo qalabyada kale aad deynsatid soo celisid wakhti sax ah iyo wixii oo sidoodi ah. Haddii kale waa inaa bixisid lacag kharash.

Haddii kaarka kaa lumo waa inaa sida ugu dhaqsaha badan na soo ogeysiisid si loo xiro. Adiga waxaa soo wici karta maktabada ama soo gal bogga internetka Minabibliotek.se. Haddii aad dooneysid kaar cusub waa inaa bixisid kharash.

Waalidka baa mas’uul ka ah deynta carruurta.

Haddii aad na siisid cinwaanka e-meylkaada waxaa laguu soo diri ogeysiin markii xilliga deynta dhammaan rabto, xasuusin oo buugta aadan soo celin iyo ogeysiin buugta aad dalbatay oo ubaahantahay inaa soo doonatid. Ogeysiinta waxaa xita looguugu soo dirikara SMS ahaan.

Xuduudka da’da

Waa qasab in adiga buuxisay 15 sano haddii aad dooneysid inaa deynsatid filim iyo ciyaar-tv. Ciyaaraha qaarkood waa qasab inaa buuxisay 16 sano ama 18 sano haddii aad dooneysid inaa deynsatid.

Lambarka sirta

Adiga waxaad dalban afar lambar oo kaarka lagu xiri.

Adiga lambarka sirta waxaad isticmaali marka aad wax deynsaneysid. Lambarkas waa inaa isticmaashid marka aad soo galeysid bogga internetka Minabibliotek.se.
Maktabada qaarkood waa inaa isticmaashid lambarka sirta haddii aad dooneysid wifiiga maktabada, kombiyuutarka ama qol isticmaashid.

Dib u deynsasho

Adiga haddii aad dooneysid dib u deynsasho waxaa tagi Minabibliotek.se, ama maktabada ama telefoonka naga soo wici. Haddii dib u deynsashada suubisid xilligii deynta kadib waa inaa bixisid kharashka deyn la soo daahida.

Adiga waxaa halkii marba dib u deynsasho suubinkarta ilaa shan wax. Filim iyo muusig waxaa dib u deynsasho ku suubinkarta halmar kaliya.

Waxyaabaha oo safka loogu jiro ama xilli gaban kaliya la deynsankaro suurtagal ma’ahan in dib u deynsasho lagu suubiyo.

Dib usoo celinta deynta

Marka aad dooneysid inaa walaxda aad deynsatay dib usoo celisid waxaad keenikarta maktabada gobalka Umeå midka aad dooneysid.

Dalbashada

Adiga waxaad dalbankarta buug aad dooneysid inaa deynsatid ama yaalo maktabada gobalka Umeå kamid ah midkood. Adiga baa go’aanka iska leh maktabada aa dooneysid inaa ka soo qaadatid.

Kharashka iyo lacagaha kale

Maktabada waxey kaa qadan kharash haddii aad xilliga dib u soo celinta aad ka soo daahdid markey noqoto buug iyo waxyaalaha kale.

Kharashka la soo daahida waxaad adiga bixin laga bilaabo maalinta aad buuxisid 18 sano. Fadlan bixi kharashka marka aad dib usoo celineysid waxa aad la soo daahday. Haddii kharashka aad markas bixin wuxuu ahaan mid adiga ku sugi.

Buugta carruurta iyo dhallinyarado oo lala soo daaho wax kharash ma loo baahna i laga bixiyo, iyo adeegyada la dhaho buuga waa laguu keeni, buugta dhageysashada, buuga bostada laguugu soo diro iyo buug aad ka deynsatay baska maktabada.

Kharashka la soo daahida waa 3 kr halkii wax iyo maalintiiba. Haddii aad dib usoo celisid deynta maalinta ugu dambeynta maalinta ku xigto wax kharash oo la soo daahid ma bixineysid. 

Kharashka inta ugu badan oo la bixin halkii wax waa 200 kr.

Kharashka inta ugu badan oo xillikasto oo celinta waa 200 kr.

Haddii kharashka lagugu leeyahay uu gaaro 50 kr ama wixii ka badan, waa la xiri kaarka maktabada ilaa aad ka bixisid kharashkas. Kharashk wuxuu noqonkara mid dib laguugu soo diro inaa bixisid.

Haddii deynta aadan soo celin waxaa laguu soo diri warqada lacag bixinta[faktura].

Warqada lacag bixinta waxaa loo soo diri waalidka haddii adiga aad ka yartahay 18 sano.

Wixii kaa lumo ama soo haleysid waxaa bixin qiimaha ey suuqa ka joogan, iyo 50 kr dheeri ah oo kharashka in warqada lacag bixinta laguu soo diray[faktura].

Haddii ey dhacdo inaa deynta soo celisid markii warqada lacag bixinta laguu soo diray kadib inaa bixisid kharashka dheeriga oo in warqada lacag bixinta laguu soo diray iyo wixii kharash la soo daahida deynta.

Haddii laguu suubiyo kaarka maktabada mid kale qofka weyn wuxuu bixin 20 kr iyo carruurta 10 kr.

Inaa Iswiidhan meel kamid ah ama wadamada dariska wax ka deynsatid waa bilash. Meel fog ka deynsasho oo wadamada dariska eheen waxaa bixin 200 kr halkii wax.

Warbixinta shaqsiga

Warbixinta shaqsiga waxaa loo isticmaali sida ku qoran sharciga[Dataskyddsförordningen (GDPR)]. Arrintas waxaad ka akhrisankarta Warbixinta shaqsiga.